Monday, July 14, 2025

Maxaa ka jira in Saciid C/llaahi Deni uu yahay musharaxa dowladda Federaalka ee Doorashada Puntland..?

Dowladda Soomaaliya ayaa dhibaato weyn kala kulantay sidii ay galaangal ugu yeelan lahayd doorashada maamul Goboleedka Puntland, si ay u hesho musharax taageersan oo saaxiib la noqon kara.

Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa intooda badan si weyn uga horjeeda dowladda Federaalka, waxayna doorashada ku galayaan inay ka hortagaan faragelinta dowladda Soomaaliya, kadib wixii ka dhacay magaalada Baydhaba oo weji xun u yeelay madaxda dowladda Soomaaliya ee xilligan

Wararka laga helayo Maaxtooayda Somalia ayaa sheegaya in Musharax Saciid C/llaahi Deni oo ka mid ah Musharaxiinta u xilka Madaxweynaha Puntland uu yahay mas’uulka ay door bidayaan madaxda dowladda Federaalka inuu ku soo baxo doorashada Puntland, isagoo ah qofka ugu macquulsan ee ay aamisan yihiin inay xiriir la yeelan karaan.

Musharixiinta Villa Somalia sida weyn uga cabsi qabaan ee halista ku noqon kara qorshahooda ayaa kala ah: Cabdi Siciid Juxa iyo Cali Xaaji Warsame, waxayna labadan musharax si weyn ugu kacsan yihiin dowlada Soomaaliya ee xilligan xilka heysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON