Monday, June 23, 2025

Maxaa ka jira in xilka laga qaaday Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya..?

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa beenisay in la beddelay Ambassador Donald Yamamoto, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay safaaradda.

Danjire Yamamoto ayaa weli ah safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayuu sheegay afhayeenka safaradda oo yiri. “Wixii su’aalo ah ee ku saabsan safiir la magacaabayo mustaqbalka waxaa ka jawaabi kara Aqalka Cad”.

Safiirrada Maraykanka oo uu magacaabo Madaxweynaha dalkaasi, ayna ansixiyaan Aqalka Sare ee Koongareeska ee Senate-ka ayaa xilalka haya muddo u dhaxeysa 2 ilaa sano.

Safirka xilligan Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ee Donald Yamamoto ayaa ah nin muddo dheer oo 40 sano ahaa shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Ilaa haatan cidna looma magacaabin inuu beddelo Ambassador Yamamoto, waxana uu sii wadanayaa shaqadiisa inta taasi laga gaarayo.

SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON