Thursday, June 26, 2025

Maxaa ka jira inuu Madaxweyne Farmaajo Xabsi Guri geliyay Guddoomiyihii Baarlamaanka..? [Dhageyso]

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa shaaciyey in madaxweynaha Soomaaliya uu amar ku bixiyey in xabsi guri la geliyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ah mas’uulka labaad ee ugu sareeya dowlada Somalia.

Xildhibanno saaka doonayey inay la kulmaan Guddoomiye Mursal ayaa laga hor istaagay iyadoo ciidamada ilaalada Madaxtooyada ay diideen in cid la kulanto Guddoomiye Mursal, arrintan oo noqoneysa tii ugu horeysay ee madaxweyne ku dhaqaaqo.

“Waan ka xumahay inaan idin sheego.. Guddoomiyihii qabtay Mooshinka aan ka keenay madaxweynaha waa maxbuus. laakiin madaxweyne albaabada ka xiraya Guddoomiyaha Baarlamaanka waa wax lala yaabo…” ayuu yiri  xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar 

HOOS KA DHAGEYSO

Ma jirto cid ka hadashay arirntan dhinaca madaxtooyada iyo Xukuumadda, waxaana muuqata in howlab laga dhigay Warbaahinta dowladda, iyadoo difaaca madaxweynaha uu ka socdo baraha bulshada oo dagaal adag ku dhex marayo laba qeybood ee kala taageeray mucaaradka iyo Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON