Maleeshiyadii Alshabaab we weerarka ku qaaday hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Mudqisho ayaa la sheegay inay wateen aqoonsiyada ciidamada Nabadsugidda NISA.
Sida ay qortay Jariidada Britten laga leeyahay ee “The Gurdian” shantii dagaalame ee Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Hotelka Naasa hablood 2 waxay xirnaayeen dareyska ciidamada NISA, waxayna wareen aqoonsiga ciidamada NISA, sidaas waxaa jarirada u sheegay sarkaal ka tirsan NISA oo magaciisa ay ku sheegtay Col. Axmed Yare.
Sarkaalkan ayaa ku dooday in ciidamada booliska aysan joojin karin ciidamo wata aqoonsiga NISA. “Waxay haysteen kaararka aqoonsiga oo leh macluumaad cad oo ay ka mid yihiin magacyada, darajooyinka iyo sawirrada,suurta gal uma ahayn sarkaal boolis ah inuu ragaasi is hortaago ama udiido inay Hotelka galaan..” ayuu yiri sarkaalka Axmed Yare.
Warkan ayaa u muuqda mid ka fog suuragalnimada, iyadoo la ogyahay in marka qaraxa is-miidaamin ah dhacdo ay dableyda Alshabaab goobta galaan, xilligaas oo aanay suuragal ahayn in ciidanl baaro, waxaa kaloo la ogyahay in ciidamada ilaalada aan marna loo ogolaan inay galaan hoteelada.
Jariirada “The Gurdian” ayaa hore loo marin habaabiyay iyadoo warar aan xaqiiqada u dhoweyn ka qortay weerarkii 14-kii Oktoobar ka dhacay Is-goyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa caaadiyan ku lebista dareyska ciidamada milateriga, iyagoo ay heli karaan dareysyada ciidamada dowladda oo dhan.