Waxaa xaalad isbedel ah gashay caasimadda Muqdisho, kadib markii aqalka hoose ee Baarlamaanka uu muddo kororsi u sameeyay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Taliyihii Booliska G/Banaadir oo subaxnimadii 12-ka April ku dhaqaaqay tallaabo aan hore loo arag markii u ka hor yimid muddo kordhinta uu waday Baarlamaanka, isla markaana hor istaagay xildhibaannadii tegi lahaa xarunta Villa Somaliya, waxayna arrintaas oo shaqeyn weyday calaamad bilow ah u noqotay cabsi laga qabo in xiisadda siyaasadeed ee uu dalka ka jirta isu bedeli karto gacan-ka-hadal.
Akhriso: Saadaq Joon oo ku dhawaaqay inuu joojiyay fadhigii Aqalka hoose
Jen. Saadaq Joon oo ahaa saraakiisha ugu waaweyn ee ay ku tiirsan tahay dowadda Farmaajo, ayaa shaki laga muujiyey isbedelka lama filaanka ah ee ku yimid, iyadoo wararka qaar sheegeen inay ku lug lahaayeen musharixiin iyo qaar ka mida dalalka Beesha Caalamka.
Saameynta Jeneraal Joon waa midda ugu culus ee heysata Farmajo iyo kooxdiisa xilligan, waxaana la sheegay inuu heysto ciidamo iyo gaadiid dagaal oo taabacsan, wuxuuna degan yahay degaan xasaasi ah.
Farmaajo iyo la-taliyeyashiisa ayaa xalay ka shiray tallaabada laga qaadayo Saadaq Joon, waxaana mar soo baxay in la qorsheynayo weerar lagu qaado Saadaq Joon, tallaabadaas oo miiska saaran, balse aan la ogeyn xilliga la fulin doono.
Dhinaca kale waxaa socda abaabul iyo xiriiro ay leeyihiin Musharixiinta Madaxweynaha iyo saraakiil uu ka mid yahay Saadaq Joon oo looga arrinsanayo tallaabada xigta ee looga jawaabayo muddo kororsiga Farmaajo ku dhaqaaqay.
Jeneralka howlgabka ah ee Maxamuud Maxamed Macalin [Koronto] oo hore u ahaa taliyihii qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa baraha bulshada xalay lagu baahiyey muuqaal laga duubay oo uu uga hadlayo inay diyaar yihiin ciidamo qabsanaya garoonka iyo dekadda Muqdisho, isagoo sheegay inuusan aqbali doonin muddo kororsiga Farmaajo.
Isagoo xubno beeshiis ah la hadlayey ayuu shaaciyey hadallo u muuqday kuwo xaalad lagu abuurayo, waxayna dad xog-ogaal ah sheegeen inuusan awood badan lahayn, balse uu taageero uga raadsanayo dad kasoo jeeda beelo gaara, miisaankiisuna uu yahay mid aad u yar.
Askari ayaa ku dhintay xalay, kadib iska hor imaad dhex maray ciidamada dowladda oo kala shakiyey, degmada Wardhiigley, waxaana caasimadda meelo badan la dhigay ciidamada Dhar-cadka ee NISA.
Xaaladda Muqdisho guud ahaan waa degan tahay, waxaana laga war sugayaa wax dhici doona maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, haddii xaaladu kasii darto, iyadoo ay soo xirmeen dhammaan wadahadalladii iyo rajadii laga qabay in Doorasho la aado.

Goobjooge