Friday, June 27, 2025

Maxaa ka soo baxay kulamadii Madaxweynayaasha Somalia & Jabuuti.? [Xogta Wadahadallada]

Waxaa la is weydiinayaa wixii kasoo baxay booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegay dalka Jabuuti, taaso ujeedkoodu ahaa in dhayo dhaawac gaaray xiriirka labada dal ee walaallaha ah.

Kulankii ugu horeeyay ee labada madaxweyne yeeshaan ayaa shalay ka dhacay magaalada Jabuuti. Wufuudda labada dhinac ilaa wada fadhiyye muddo 30 daqiiqo ah oo kulanka guud ay yeesheen, kadibna waxaa kulan kale albaabadu u xiran yahay wada qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo, iyo Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne ayaa qaatay qiyaastii ilaa iyo saacad, waxaana si gaara ay labada mas’uul uga wadahadleen arrimaha dhex yaala. Waxaa qorshaysnaa inay wadajir u qabtaan shir saxaafadeed, hase yeeshee ma dhicin, sababtana lama sheegin.

Waxaa kaliya hadlay Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr oo ku gaabsaday “Labada dal ee walaalaha ah inay ka wada hadleen cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal”.

Labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya midkoodna kama hadlin sida uu iminka xaal yahay iyo haddii ay jiraan heshiis ama xitaa is afgrad, lama shaacin natiijadii ka soo baxday safarka labada maalmood qaatay ee madaxweyne Farmaajo uu ku tegey Jabuuti.

Maanta Duhurnimadii Jimcaha ayey madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ka amba-bexeen Jabuuti, ayagoo aaday dalka Turkiga oo ay uga qeybgeli doonaan shirweynaha xisbiga talada haya ee dalka Turkiga.

Waxaan jawaab loo heynin wixii kasoo baxay shirarkii labada dal, haddiise jawaabtu aamusnaan noqotay waxaa cad inaysan jirin wax lagu heshiiyey oo arrintu ka weyn tahay sidii la filayey, loona baahnaan doono kulamo kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON