Mar kaliya ayaa xarunta Madaxtooyada ee looga arrimiyo Soomaaliya laga dareemay xaalad ammaan oo kacsan iyo baaritaano ka dhex socda.
Waxaa la xiray irdaha laga galo iyo kuwa laga baxo, waxaana baaritaan loogu dhaqaaqay gudaha Madaxtooyada, iyadoo lagu soo qabtay askar ka tirsan ciidamada madaxtooyada oo laga shakiyay.
Wararka laga helay ilo ku sugan madaxtooyada ayaa sheegay in howlgalkan lagu xiray askar laba ah oo raadka Alshabaab soo galay, kuwaasoo lagu ogaaday warar sirdoon, taasoo keentay in howlgalka maanta uu dhaco. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada.
Waa markii ugu horeysay ee qaar ka mid askarta Madaxtooyada uu soo galo tuhun Alshabaabnimo, laakiin waxaa hore u dhacay in Alshabaab ay adeegsadeen shaqaale ka howlgala madaxtooyada oo maleeshiyo Alshabaab ay gudaha u geliyay Villa Somalia, kuwaasoo lagu dhex dilay madaxtooyada kadib weerar ka dhacay, iyadoo markii danbe la toogtay ninkii falkaasi ka danbeeyay.
Goobjooge.com