Sunday, June 22, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii dhex maray Madaxweynayaasha Somaliya iyo Masar..?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Abdulfatah Al-sisi.

Kulanka labada Madaxweynaha oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Qasriga Midinimada ayaa war kasoo baxay Madaxtooyada Masar lagu sheegay in looga wadahadalay xiriirka labada dal ee xaalada Gobolka.

Faahfaahin kulanka ayaa la filayaa in goor dhow si rasmi ah loo soo saaro, iyadoo labada madaxweynaha ay kulamo xiriir ah yeelan doonaan, kuna dhawaaqayaan iskaashi miletari oo dhex mara.

Ad

Masar oo si weyn u garab istaagtay dowladda Soomaaliya, kana hor timid heshiiska Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ee ku saabsan inay marin badeed ka hesho Gobolka Awdal ee Soomaaliya ayaa taageero u balan qaaday Soomaaliya.

Taageerada laga flayo Masar ayaa isugu jirta mid milateri iyo mid diblomaasiyadeed, waxaana kira isbaheysi ay yeelayaan dalalka Masar, Somaliya iyo Eritrea.

Madaxweynaha Masar ayaa ku dhawaaqay inay Soomaaliya ka difaaci doonaan haddii halis la geliyo qaranimadeeda, isla markaana ay Itoobiya ku kacday sharci darro. (Halkan ka Akhriso)

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON