Monday, July 14, 2025

Maxaa kasoo baxay Shirkii Degdega ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliya? [Daawo]

Kulan degdeg ahaa oo ay yeesheen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd soo gabagaboobay iyadoo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu guddoomiyey.

Shirkan oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sugidda amniga caasimadda, waxaana la sheegay in warbixin looga dhageystay wasiirrada amniga iyo difaaca Maxamed Abuukar Islow iyo
Xasan Cali Maxamed.

Labada wasiir ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey qorshayaasha amniga caasimadda iyo qorsha la doonay in Alshabaab loog saaro deegaannada ay dalka uga sugan yihiin.

Golaha wasiirada ayaa isku raacay in si weyn loo adkeeyo amniga caasimadda, lana dardar geliyo fulinta qorshaha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah ee caadaysay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed.

Ma jirin faahfaahi kale oo laga bixiyey wixii kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee galabta ila caawa socday, marka laga reebo in loo saaray guddi wasiiro ah oo soo diyaariya qorshe amni.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON