Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo caawa ka socday magaalada Muqdisho ayaa soo gabagaboobay iyadoo looga hadlay xaaladda Amniga ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo la isugu yeeray Wasiirada waxaa la sheegay in warbixin loogu dhageystay Guddiga Golaha Wasiirada u saaray xaaladda Amniga, waxaana shirkaasi kadib saxaafada ka la hadlay wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo sheegay inu shirka guddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyadoo maanta uu Jimce ahayd uu shirki ahaa mid caadi ahayn.
Kulanka oo muddo dheer qaatay, looga hadlay xaaladda Amniga, iyadoo aan faahfaahin laga bixin, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA) oo ak tirsan Bankiga Adduunka.
Waxaa shirka ka baaqsaday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo isu diyaarinaya safar uu ku tegayo dalka Mareykanka, waxaana golaha wasiiradu ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan qorshaha ay u dejiyeen kulanka Berri ee Baarlamaanka.
Shirkan ayaa ku soo beegay iyadoo Baarlamaanka laga sugayo Berri inay hortagaan wasiirada amniga iyo gaashaandhigga xukuumadda oo ay la socdaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.


