Kulankii koowaad ee shirka wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Djibouti, iyadoo maanta uu ahaa furitaanka shirka oo ay ka qeyb galeen madaxda sare ee Itoobiya, Jabuuti, Somalia iyo Somaliland.
Shirkan ayaan loo qaban waqti, isla markaana ma jiro ajendayaal lasoo bandhigay oo maanta dhaafsiisan, waxaana War-murtiyeed kasoo baxay Dowladda Jabuuti lagu sheegay in Guddiyo ka tirsan labada dhinac ay sii wadi doonaan wadahadalka iyo arrimaha farsamada.
Muuse Biixi ayaa sheegay in shirku ku socon karo Aqoonsi Somaliland ka hesho Soomaaliya iyo inay garowshiyo ka bixiso xasuuqii ka dhacay Somaliland, waxayna wararku sheegayaan in dadaal loogu jiro sidii Guddiyo sii wada wadahadalka loo magacaabi lahaa, wuxuuna caddeeyay inuu soo gabgaboobay shirkii siyaasadda ayna Hargeysa ku laaban doonaan maalin kadib.
Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal ayaa Caawa shaaciyey in shirka uu ahaa mid uu Mareykanku watay oo la doonayey inuu dib u bilowdo wadahadalka, taasoo Somaliland ku xirtay in wadahadalku bilaaban karo marka ay fuliso dowladda Soomaaliya heshiisyadii hore.
Shirkan oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo wufuud kala duwan oo ka socday Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, iyo wakiilo kale.
Markii uu shirkani soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo kulankan ku tilmaamay fursad qeyb ka ah nabadeynta Soomaaliya. “Haddaanu nahay reer Jabuuti, waxaan had iyo jeer ku rajo weynahay in walaalaheenna Soomaaliyeed ay heli doonaan waddo ay ku wada shaqeeyaan, mar walbana waan idin garab taaganahay si aan u caawino kobcinta natiijooyinka ugu wanaagsan ee dan u ah qof walba,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Sidoo kale, waxaa saxaafadda la hadlay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo sheegay in meelo dunida ah laga heshiiyey dhibaatooyin ka waaweyn kuwa dhex yaalla Soomaaliya iyo Somaliland, loona baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan wada xaajoodkooda.
