Waxaa kulan maqribnimadii caawa dhex maray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, kaasoo looga dooday khilaafka ka dhashay Habraacyada Doorashada Dadban 2021.
Shirka ayaa la sheegay inuu ahaa mid adag oo Madaxda Maamul Goboleedyada loogu gudbiyey go’aankii Midowga Musharixiinta ka qaatay Habraacyadii Golaha Wadatashiga Qaran iyo sida ay u diidan yihiin inay maamulka Doorashada la wareegaan Madaxda maamul Goboleedyada.
Dood dheer kadib, waxay labada dhinac arrinta u sareen guddi soo turxaan bixiya qodobadda cabashada keenay ee sida weyn loo diidan yahay, waxaana sii socon doona kulamada arrintan looga tashanayo si xal looga gaaro.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseem Rooble ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu isla caawa Madaxweynaha Galmudug u sameeyay xubnaha Midowga Musharixiinta iyo madaxda maamul Goboleedyada.
Kulanka ahaa is-arag iyo wadahadallo aan toos ahayn, waxaana howsha xalinta khilaafka ka dhashay habraaca Doorashada sii wadaya Guddiga labada dhinac ee loo saaray arrintan.
