Shirkii dib u eegista howlgalka Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galen Madaxda Taliyayaasha AMISOM, Miltaraga Soomaaliya, Wakiillo ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Mareykanka iyo Sarakiisha dalalka taageera Soomaaliya.
Shirka oo ahaa mid xasaasi ah muddo 5 maalmood ahna socday ayaa laga soo saaray Go’aamo ka kooban dhowr qodob oo lagu heshiiyey , waxaana ugu muhiimsan in AMISOM ay qorshaheeda dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab ay u bedesho lagu beegsanayo bar-tilmaameedyo gaara oo Al-shabaab lagu naafeynayo si aysan ugu suuragelin inay weerarro qaadaan.
“Qorshaha aan isku raacnay wuxuu ka kooban yahay howlgal isku xiran si lagu taageero in ciidamada dowladda AMISOM kala wareegeen amniga Soomaaliya iyo n Al-shabaab laga saaro meelaha ay ku dhuuntaan…” ayuu yiri Simon Mulongo oo ah ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka hadlay gabagabadii shirka.
wuxuu sheegay in Qorshaha kala guurka Soomaaliya loo fulinayo saddex weji oo kala ah: dhimista Ciidamada AMISOM, in amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda sida Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada dowladda Soomaaliya, iyo in laga hortago weerarrada Al-shabab, iyadoo la qaadayo weerarko bartilmaameed leh, lana kordhiyo howlgallada lagu furayo waddooyinka dhulka ah.
Taliyaha cusub ee AMISOM Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa sheegay in AMISOM iyo dowladda Somalia ka wada shaqeyn doonaan fulinta qorshaha cusub ee AMISOM loo djiyey, loona baahan yahay inay si dowladda Soomaaliya kaalin weyn ku yeelato.