Waxaa shan maalmood kadib socdaalkiisa magaalada Kismaayo soo gabagabeeyay wafdigii uu hoggaamineyay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Somalia Mohamed Ali Guyo, isagoo ka hadlay socdaalkiisi Kiismaayo.
Wakiilka IGAD ee Somalia oo Kismaayo kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay intii ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo inay la kulmeen musharixiinta xilka Madaxweynaha, Guddiga Doorashada Jubbaland, Odayaasha Dhaqanka, Baarlamaanka, xildhibannada Federaalka iyo dhinacyada kala duwan ee Bulshada ayna ka wadahadleen xaaladda Doorashada Jubbaland.
Wakiilku wuxuu sheegay in IGAD ay ogtahay ahmiyadda gaarka ah ee ay leedahay Doorashooyin xor ah oo ka dhaca Maamulka Jubbaland, ayna u IGAD ku taagan tahay oo adkeyneysaa inay Jubbaland ka dhacdo doorasho xor ah, cadaalad ah oo hufan oo loo marayo dastuurka Soomaaliya iyo kan maamulka Jubbaland.
Wakiilka wuxuu soo jeediyey in laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida Jubbaland, wuxuuna ugu baaqay hoggaanka maamulka Jubbaland iyo shacabka maamulkaasi in la xoojiyo midnimada iyo wada noolaanshaha, iyo xal u helidda cabashooyinka jira, wuxuuna ku booriyey dhinacada Doorashada inay khilaafkooda iyo is -faham ;la’aantooda ku xaliyasan hab nabadgelyo iyo wadahadal ah.
Dr. Maxamed Guyo ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, isagoo sheegay inuu beesha caalamka la wadaagi doona wixii uu kusoo arkay magaalada Kismaayo.