Sunday, June 22, 2025

Maxaa kasoo baxay waanwaantii Rooble ka dhex waday Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed..?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa looga hadlay khilaaf ka taagnaa Doorashada Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, ayaa la sheegay in xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana iskuna afgartay in horay sii wado howsha doorashada.

Cabdi Xaashi ayaa dhowaan soo saaray qoraal uu ku dalbaday in la hakiyo doorashada kuraas ka mida Golaha shacabka, inta xal laga gaarayo habraaca doorashada, si buuxdana loo caddeynayo odayasha iyo ergada kurasta la dooranayo.

Ad

Kulamo hore u dhex maray saddexda dhinac ayaa lagu fashilmay in heshiis lagu gaaro, kadib markii uu Ra’iisal wasaare ku xigeenka uu diiday in doorashada laga dhigo mid daah furan ama kurasta ay labada dhinac qeybsadaan.

Xafiiska Ra’iisal wasaare Rooble ayaan faahfaahin ka bixin xalka laga gaaray khilaafka labada dhinac oo salka ku haya sida kuraasta loo kala qaadanayo iyo cidda kusoo baxeysa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON