Sunday, July 6, 2025

Maxaa keenay Dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirada cusub? (Akhriso 2 Qodob)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa laba arrimood asabab uga dhigay dib u dhaca keenay inuu muddo 30 maalmood ah ku dhisi waayo Golaha Wasiirada.

Qoraal uu Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyey muddo-kordhinta ay siiyeen xildhibaannada, markii uu ka socdsaday ayuu Ra’iisal wasaare Xamza tilmaamay sababaha keenay dib u dhaca magacaabidda xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, ay sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.

“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.” ayuu ka mid ahaan qaraalka uu Ra’iisul Wasaaruhu u diray Baarlamaanka.

Xamza ayaa ballanqaaday in 10-ka maalmood ee soo socota uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh oo dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON