Sunday, June 22, 2025

Maxaa keenay in Golaha Amniga Q/Midoobay sii kordhiyo Xayiraaddii Hubka ee Somaliya..?

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale kordhiyay icunaqabateynta hubka ay ee saaran SOomaaliya, taasoo ay si weyn uga dooneysay dowladda Soomaaliya in laga qaado.

Xayiraadda Hubka ee Soomaaliya oo socotay tan iyo sanadkii 1992-dii ayaa sabab looga dhigay in la sii wado halista Al-Shabaab oo ah koox argagaxiso ah oo ka howlgasha Soomaaliya, sida lagu sheegay Bayaanka Golaha Amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirtay in cunaqabateynta Huba laga qaado, si ay Al-shabaab ula dagaalanto, ciidamadeeduna u helaan Hub xoog leh, laakiin mar kale ayaa taasi socon weyday.

Ad

11 ka mida 15-ka dal ee Golaha Amniga ayaa u codeeyay in cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya ay sii socoto, waxaase kulanka ka aamusay dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa sheegay inau ka xun yihiin kordhinta xayiraadda Hubka ee saaran Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka.

Safiirka ayaa ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab. “Cunaqabateyntan gacamaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan-laaweyaasha ah” ayuu yiri Abuukar Cusmaan.

- Advertisement -

Danjire Abuukar ayaa waxa uu sheegay in dhibanayaasha “argagixisada” ee Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin sababta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay khatar ugu tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyadoo dalalka kale loo hubeeyo si ay u difaacaadaan dhulkooda iyo dadkooda.

“Cadaalad-darrada iyo laba-wejiilanimadan waxay ka hor istaageysaa dowladda Soomaaliya inay si sharci ah u hesho qalab millatari, si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qaranka,” ayuu u sheegay Golaha Ammaanka Danjire Abuukar Cusmaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON