Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamadii dowladda iyo kuwa Beesha degaanka ay maanta isaga baxeen degaanka Qaayib oo dagaalo culus ay ka dhaceen dad badanna ku dhinteen in dib looga qabsado Alshabaab.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sababaha keenay inay degaankaaasi muhiimka ah ay isaga baxeen degaanka Qaayib, kadib markii ay waayeen gurmad ay ka sugayeen dhinaca dowladda Federaalka.
Alshabaab ayaa saddex weerar ku qaaday Qaayib, waxaana ka dhacay dagaallo culus oo naf iyo gaadiid dagaal lagu waayey, waxaana jiray cabasho ku saabsan in tageero dhinaca cirka ah iyo gurmad laga waayey dhinaca dowladda.
Ciidamadii ka baxay degaanka Qaayib ayaa la sheegay inay fariisimoka sameysteen duleedka degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud, iyadoo warark aar sheegayana in maleeshiyada Alshabaab lagu arkay Qaayib.
