Monday, July 7, 2025

Maxaa keenay inuu fashil ku dhammaado Shirkii Garowe? [Akhriso 5-tii Qodob oo lagu kala tegay]

Shan maalmood kadib shirkii wadatashiga Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada ku yeesheen magaalada Garowe, wuxuu ku soo dhammaaday natiijo la’aan la isku mari waayey dhammaan qodobadii hor yaallay.

Shirka ayaa u muuqday mid alifka ka wareeray markii uu isugu yeeray amdaxweynaha martida loo ahaa ee Puntland Siciid C/llaahi Deni, waxaana dhacday in ajendayaashiisa laga dhigo qodobo quseeya maamul goboleedyo gaar ah iyo khilaafaad ka jira, taasoo ay iska caddeyd inaan lagu heshiin karin.

Shirka Garowe wuxuu uga duwanaa shirarkii ka horeeyay arrimaha soo socda:

1- In maamul Goboleed isugu yeeray oo dowladii Federaalka loogu yeeray.

2- In ajendayaashiisa ay ahaayeen kuwo ka duwan shirarkii hore, ayna dhacday in markii ugu horeysay khilaafaad ka jira maamul Goboleedyo dhexdooda la keeno shirka Guud.

3- Iyadoo khilaafaad hoose oo culus u dhaxeeyeen maamul Goboleedyada qaarkood iyo dowladda Federaalka.

4- In Arrimaah dooda dhaliyey ay ahaayeen arrimo dano gaara sida madax doorasho ka carareysa iyo kuwo kursi ku mintid ah.

5 Iyo in awoodihii ugu dambeeyay ee dowladda Federaalka, siiba labada aqal ee Baarlamaanka ay halis galeen.

Fashilka shirka waxaa soo dejijisay, isla shanta Qodob ee sare ku xusan markii la damcay in la guda galo;

  • Khilaafka Galmudug

Wuxuu ahaa arrintii ugu weyneyd ee caqabad ku noqotay shirka, iyadoo madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf oo isku dayey inuu sharciyad ka helo madaxda dowladda Federaalka, isagoo cuskanaya heshiiskii Jabuuti ee uu la galay Ahlu suna, taasina way ka biyo diideen madaxda dowladda Federaalka oo markii hore lagu eedeyn jiray inay la safan yihiin Garabka Cadaado.

  • Sharciyada iyo Xeerarka Xukuumaddu soo saarto ee Baarlamaanka la geeyo

Arrintan waxay ahayd caqabadda labaad ee shirka hore uga socon waayey, waxayna madaxda maamul Goboleedyada doonayaan in sharci kasta lagala tashado iyaga, taasoo sharci ahaan la isku mari waayey. Madaxda maamul Goboleedyada ma ogala inay soo maraan Aqalka sare oo iyaga metela, kaasoo sharci kasta marka uu soo maro Golaha Shacabka loo gudbiyo, waxaana taasi halis ku arkay xukuumadda iyo Madaxtooyada.

  • Dhismaha Golaha Iskaashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

Waa qodob kale oo ay wateen madaxda maamul Goboleedyada, balse u cuntami waayey madaxda dowladda Federaalka, waxaana Golaha loo arkay mid bedelaya labada Aqal ee Baarlamaanka, kana sareeya sida dhacday xilligii ug danbeeyay ee dowladii Xasan Sheekh, waxaana ka hor yimid Madaxweyne Farmaajo.

  • Qeybsiga Deeqaha caalamiga

Maamul Goboleedyada waxay olole ugu jireen in la helo qaab loo qeybsado dhaqaalaha la siiyo dowladda Soomaaliya ee ku yimaada magaca Somalia, iyadoo fure u ahayd isu soo dhowaansho labada dhinac dhex mara. Arrintan waxaa ka hor yimid madaxda sare ee dowladda Federaalka oo ku dooday in deeqaha ay yihiin kuwo qorsheysan oo magac iyo miisaaniyad ku yimaada, laakiin aysan jirin lacag la qeybsanayo.

  • Dhameystirka Dastuurka & Doorashooyinka

Muddo dheer ayuu soo taxnaa muranka ka taagan dib u eegista dastuurka KMG ah, dowlad Goboleedyada ayaa doonaya in xubno cusub loogu daro Guddiga Dastuurka, iyadoo farsamo ahaan la isla fahmi waayey, waxaana xukuumadda ka gaabsatay inay dib usoo celiso sharciga Doorashada ee Golaha Wasiirada uu ansixiyey.

Guud ahaan shirka Garowe wuxuu kuqabsoomay jawi cakiran, waxaana hareeyay xaalado shaqsiyadeed oo ku xeeran doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland, taasoo soo dedejisay inuu fashilmo, iyadoo aan marna lagu soo hadal qaadin danta guud.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON