Wednesday, July 9, 2025

Maxaa keenay inuu Musharax Sheekh Shariif ku haro wareegga koowaad ee Doorashada?

Madaxweynihii hore, ahaana Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa ku haray wareegga koowaad ee Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota xarunta Afisyoone ee Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo dad badan filayeen in wareegga koowaad si fudud uu uga gudbi karo ayaa tartan adag oo uu wajahay ku fashilmay inuu gudbo, waxaana uu la yimid 39 cod.

Sababta keentay fashilka Sheekh Shariif ayaa lagu sheegay inay tahay isagoo ololihiisa doorashada uu ahaa mid liita iyo kooxda la shaqeysa oo ah koox saameyn ahaan xoog badan lahayn, taasoo keenay inuu musharaxooda wareegga koowaad dhaafi waayo.

Musharaxa Madaxweynaha xilka hayey ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale jab weyn kasoo gaaray wareega koowaad, isagoo kaalinta labaad galay, waxaana ka hormaray musharax Siciid C/llaahi Deni.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON