Tuesday, June 24, 2025

Maxaa keenay inuu xilkii safiirnimo ka tago C/raxmaan Ceynte..? [Dhaqaale la’aan mise Khilaaf siyaasadeed]

Safiirkii dowladda Soomaaliya ugu magacawnaa dalka UK C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa sheegay inuu xilka uga tegay dhaqaale darro.

Ceynte oo hore u soo noqday wasiirka qorsheynta Soomaaliya dowladii Xasan Sheekh ayaa muddo 5 bilood ah dibadjoog ka ahaa xilka uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay, isagoo aan marna laga guddoomin waraaqihii aqoonsiga danjernimo.

Wareysi uu siiyay mid ka mida idaacdaha Muqdisho ayaa kasoo xigatay in la aqbalay safiirmadiisa, balse uu shaqada uga tagay dhaqaale la’aan iyo miisaaniyadda loogu talogalay oo la siin waayay.

Safiiradii Madaxweyne Farmaajo magacaabay
Safiiradii Madaxweyne Farmaajo magacaabay

Wuxu kaloo sheegau wasiirka hore inuu shaqo ka helay Qaramada Midoobay oo uu ka shaqeyn doono Bariga dhexe, isagoo si weyn u difaacay inaan xilka safiirnimo lagu soo celin ee si wasaaradda arrimaha dibadda UK ay aqbashay.

Warar kale ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku heyso wadashaqeynta khilaaf dhex maray Wasiir Ceynte iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad, oo Ra’iisal wasaare Kheyre uu taageeray Wasiirka, taasoo keentay in xilkii safiirnimo uu ka door bido shaqo uu ka qabto UN-ka.

Safiiradii lala magacaabay C/raxmaan Ceynte ayaa shaqooyinkooda wata, iyadoo ay ka howlgalaan Turkiga iyo Q/Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON