Thursday, June 26, 2025

Maxaa ku Qarsoon Shanta Qodob ee uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso Faaqidaad Xasaasi ah)

Kadib kulan dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlay is mariwaaga ka taagan Doorashada dalka iyo sidii looga gudbi lahaa, kadibna waxay Madaxtooyada Soomaaliya soo saartay laba War-saxaafadeed oo iska horjeeda.

War-saxaafadeedkii hore ee Madaxtooyada (Halkan ka akhri) wuxuu nuxurkiisu ahaa inay Beesha Caalamka bogaadiyeen sida ay xukuumadu u wado Doorashada; iyadoo saacado kadib uu soo baxay warkii la wada sugayey oo Madaxweynuhu ku baaqay shir ay isugu yimaadaan Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada (Akhriso).

Shanta Qodob ee ku qoran War-saxaafadeedka labaad ee Madaxweyne Farmaajo marka laga reebo labada qodob ee 1-aad ilo 4-aad, saddexda qodob ee kale waxay leeyihiin macne gaara iyo fasiraad xaaladda dalka ee kala guurka ah saameyn ku yeelan doonta, waxayna sii caddeyeen rabitaanka Farmaajo ee an inuusan u socon doorasho heshiis lagu yahay ee qorshe muddo dheer laga shaqeynayay uu soo socdo:

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan waxaa Madaxweyne Farmaajo laga sugeyay in muddo ah oo uu diidanaa, isagoo markii danbe shuruud ku xiray, kadibna diiday shuruudii markii ay Jubbaland iyo Puntland magacaabeen xubnaha Guddiyadii Doorashada, laakiin ugu danbeyn wuxuu ku ogolaaday cadaadiska Beesha Caalamka oo laftooda ay go’aan fiican kala laaban shirkii ay la yeesheen.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu shirkan oo xasaasi ah geeyay magaalada Dhuusamareeb, taasoo u muuqata inuu ka fogeeyay Caasimadda Muqdisho oo saameyn badan leh, ayna si fudud ula socon karaan wakiilada Beesha Caalamka, sidoo kalena ay joogaan xoogag Soomaaliyeed oo saameyn badan leh, sida musharixiinta, odayaasha dhaqanka iyo dhinacyo kale. Waxaa dhici lahayd haddii shirku ka dhacayo Muqdisho in dhinacyada lagu cadaadiyo heshiis iyo inaysan shirka ku kala tegin.
Inuus shirka u raro Magaalada Dhuusamareeb waa calaamadda ugu horeysa ee in shirkani aanu heshiis ka rabin ee waqti lumis ku kooban yahay.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.

Waa arrin cusub oo aan hore loo arag in waqti loo qabto shir wadatashi ah oo arrimo waaweyn oo masiiri ah looga doodayo, muddo 4 bilood ahna xal laga gaari waayey oo quseeya marxalad kala guur ah iyo Doorasho.
In shirka Dhuusamareeb la geeyay uu Farmaajo u qabto muddo 3 maalmood ah oo ay ku jiraan xilliyada loo safrayo ama laga tegayo waxay caddeyn u tahay inuusan shirku ahayn mid heshiis iyo xal loogu raadinayo qodobadda adag ee Doorashada ku hor gudban.

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waa qodob caddeynaya waxa looga hadlayo shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo kaliya. Qodobkan wuxuu ka hor imaanayaa Qaraarkii uu saxiixay isla Madaxweynaha ee ahaa in Gobolka banaadir uu Aqalka Sare ku yeesho 13 Senator.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Waa Qodobka ugu muhiimsan War-saxaafadeedka Madaxweynaha ee qorshihiisu ku dul wareegayo, inkastoo maalinta uu shirka isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka ay tahay JIMCE!, haddana wuxuu si cad u muujinayaa in Madaxweyne Farmaajo Baarlamaanka kala hadli doono qorsihiisa uu mudadda dheer soo waday, laguna lagu xamanayey ee ah xil kordhin sanad ilaa 2 sano.

Dadka qaarkood ayaa rajo ka muujin kara shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Soomaali oo dhan ay rajo ka qabto in muddo xileedka Farmaajo aanu ku dhammaan qalalaase dastuur iyo gacan-ka-hadal, laakiin dhaqanka siyaasadeed ee intii uu xilka joogay wuxuu ka marqaati kacayaa inuusan tanaasul diyaar u ahayn haddii aan gacanta la qaban ama mucjiso kale dhicin.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON