Saturday, July 19, 2025

Maxaa ku soo kordhay Xaaladda Muqdisho…? [Wadooyinkii xirnaa oo dib loo furay iyo Madaxweynaha oo soo farageliyay..]

Isbedel ayaa saaka laga dareemay magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada amniga laga qaaday wadooyinka u xirnaa magaalada oo keenay in muddo toddobaad ku dhow ay dhibaato noqoto isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Dadweynaha Muqdisho  oo cabasho weyn ka muujiyay xaaladda magaalada oo laba qeybood oo kala jaray ayaa codsiyo u diray madaxda dowladda Federaalka, waxaana magaalada hareeyay xaaladda amni ee la soo rogay kadib weerarkii 23-ka Febraayo ee Alshabaab ku qaadeen xarumaha Madaxtooyada iyo NISA ee caasimadda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa la sheegay inuu hay’adaha Amniga ka dalbaday furitaanka wadooyinka magaalada Muqdisho, iyo inay la yimaadaan qorshe cusub oo amniga wax looga qabto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON