Isbedel ayaa laga dareemay Muqdisho, howlgalkii xasilinta caasimadda wuxuu keenay inay yaraadaan hubkii faraha badnaa ee lala dhex marayay magaalada iyo dhibaatadii ciidamada dowladda ku hayeen shacabka.
Tallaabooyinka ay qaaday dowladda ee ah in la xakameeyo ciidamada faraha badan ee Muqdisho dhex daadsanaa waxay ahayd tallaabo bilow ah oo si weyn loo soo dhoweeyay, waana mid mudan in lasii xoojiyo.
Xeritaanka la ooday dhammaan jidadkii xaafadaha iyo jid-caddeyaashii magaalada waxay ciriiri geliyeen isu socodka bulshada iyadoo saxmad aan hore loo arag iyo jaam ka dhigay wadooyinka waaweyn ee caasimadda, sidaasoo ay tahay ayay shacabka ugu dulqaateen arrimaha amniga.
Laakiin isbedal ayaa dhacay, waxaa muuqata in dadaalkii amni iyo howlgalladii la fuliyay aanay horjoogsan weerarradii waaweynaa ee Alshabaab oo weerraro culus ku qaaday:
1- Baararka Pizza iyo Posh ee June 2017
2- Weerarkii Hotel Naasahablood 2 ee dhacay 28 Oktoobar 2017
3- Iyo weerarkii weynee ee lagu hoobtay 14-kii Oktoobar 2017.
Weerarrada oo dib u soo laabtay kadib bilo kooban kadib, iyagoo ka awood badan kuwii hore, kana qasaare badan, waxay niyadjab ku riday shacabka iyo dowladda, waxaana loo aaneyn karaa arrimaha soo socda:
1- Sirdoonka dowladda oo aan weli awood u yeelan inay sii ogaadaan qorshaha Alshabaab, kana hortagaan, haddii xitaa ay sii ogyihiin aanu jirin falcelin degdeg ah.
2- Alshabaab oo mar waliba beegsata goobo aan la fileyn oo ah bartimaameedyo sahlan oo shacab si qasaare badan halkaas uga dhaco.
3- Muqdisho oo ah magaalo ballaaran isla markaana aan amni ahaan gacanta ugu wadajirin ciidamada ammaanka, fulint qorshe kasta oo ami uu ku dhammaado fashil.
4- Qaabka howlgallada ciidamada oo u badan inay wadooyinka xiraan gaadiidka isha la raacaan, iyadoo aanay jirin baaritaan rasmi ah iyo qalab midna.
5- Alshabaab oo sirdoon ahaan ka horeysa nabadsugidda Dowladda, isla markaana qorshooyinkooda waaweyn aan laga hortegi karin, ka daba tag maahee.
Arrimahan oo dhan waxay keeneen in loo caal waayo soo celinta amniga Muqdisho, iyadoo mar waliba la bedelo taliyeyaasha amniga si xal loogu raadiyo fashilka amni laakiin mar waliba dib u soo laabata.

Casharka ugu muhiimsan ee laga baran karo weerarkii Hoteelada Pizza House Posh waxaa la oran karaa waa in dowladda Farmaajo ee rajada laga qabay iyo Hay’ada NISA aysan waxba ka bedelin qaabkii ay u howlgeli jireen, kana fog yihiin inay ka hortagaan weerarro noocan oo kale ah oo ka dhaca caasimadda hadda iyo hadhowba.

Sidaas darteed haddiibka daacad laga yahay arrimaha amniga waxaa laga maarmaan ah in la qaado tallaabooyinka soo socda:
1- In la xoojiyo awoodda Sirdoonka dalka, lana maalgeliyo si awood loogu yeesho in la sii ogaado qorshaha weerarrada Alshabab.
2- In Maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyo amniga caasimada, hoosna loogu dejiyo ilaa heer degmo iyo waaxeed.
3- In la qoro jiil cusub oo nabadsugid ah si loo xoojiyo awoodda hay’adaha ammaanka ka ee hortagga weerarrada, dibna loo howgeliyo saraakiisha aqoon u leh howlaha Sirdoonka.
4- In howlgalllada ammaanka caasimadda la barbar wado howlgallo degdeg ah oo lagu beegsado dadka la shaqeeya iyo goobaha lagu tuhmo inay Alshabaab xiriir la leeyihiin.
5- In Weerar kasta oo dhaca raadraac lagu sameeyo oo aanay dhicin in la baabi’iyo raadadka ay reebaan dableyda qaraxyada iyo weerarrada geysata.
6- In Dowladdu la wareegto ciidamada si fiican u tababarran ee ammaanka oo hadda hoos taga dowlado shisheeye.
Haddii howlgalka NISA lagu soo koobo jidadka Muqdisho iyo la dirirka hubka wadooyinka lala dhex maro, sida uu sameeyay taliyihii hore ee NISA Mudane Sanbaloolshe oo howshiisa ugu muhiimsan ka dhigay la-dagaalanka hogaamiye kooxeedyo iyo mas’uuliyiin hore sida waxay xaaladu mar waliba taagnaan doontaa: CUDUR GALAY FARAS LAGA GUBO RAADIYO DAMEER..!
Faaladda Goobjooge