Golaha Wasiirada xukuumadda xilgaarsiinta ayaa galabta yeeshay shirkii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Shirkan oo ay ku wareegsanaayeen xaalado kacsan ayaa war kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaraha lagu sheegay in looga hadlay Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:
Amniga dalka
Dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka
Diyaargarowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka December ka dhici doona Muqdisho
Wadashaqeynta hay’adaha dowladda
iyo Gurmadka Abaaraha

