Wednesday, July 9, 2025

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Wasiirada Somalia? [Heshiis lala galay Qatar oo la meel mariyey]

Shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali  Khayre.

Golaha Wasiirada aya shirkooda ku meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta iyo ilaalinta maalgashiga, dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda Qorshaynta, heshiiskaas oo ku saabsan iskaashiga labada dal.

Waxaa kaloo shirka toddobaadlaha Golaha Wasiirada looga hadlay u diyaargarowga iyo qabanqaabada maalmaha xorriyadda dalka iyo midnimada labada gobol, waxaana warbixin looga dhagaystay guddiga loo magacaabay qabanqaabada munaasabadaha lagu xusayo maalmaha xoriyadda.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay xaaladda Amniga iyo qorshaha lagu horumarinayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON