Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusman (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay maanta guddoomiyeyaasha degmooyinka G/banaadir ayaa kala hadlay hannaanka maamulka iyo maaliyadda maamulka Gobolka.
Kulanka oo ahaa kii todobaadlaha ahaa ee guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Maamulka Gobolka ayaa looga hadlay sidii adeegyada asaasiga ah loo daadejin lahaa si siman ay uga wada faa’iideystaan bulshada gobolka Benaadir, inkastoo aan la sheegin adeegyada gobolku u hayo shacabka Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa warbixinno ku saabsan amniga, adeegyada asaasiga ah, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran ka dhageystay Guddoomiyeyaasha 17ka degmo.
Kulanka waxaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cusman Cumar (Eng. Yarisow) ku wehelinayey Ku Xigeennadiisa Arrimaha Bulsha Marwo Basmo Caamir Axmed, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo sidoo kale Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.