Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda hoggaamiya xisbiyo siyaasadeed oo mucaarad ku ah dowladda hadda jirta ayaa maanta gurigiisa si wadajir gurigiisa ugu tegay Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed.
Kulankan oo ahaa salaan iyo is-wareysi xaaladda dalka ayaa la sheegay inya uga wadahadleen xaaladihii ugu danbeeyay ee siyaasdda dalka, waxaana Shariif Sheekh Axmed uu kulna uga warbixiyey xayiraadii lagu soo rogay ee loogu diiday inuu u dhoofo magaalada Kismaayo dhowaan, taasoo xisbiyada siyaasadda dalka ay si weyn u cambaareeyeeb.
Madaxweynihii hore ee Cali Mahdi oo aan ogoleyn in wax siyaasad ku saabsan uu dhex galo ayaa dhinaciisa ka hadlay arrin amniga ka qabsatay markii wadooyinka uu maro loo diiday, kadibna uu madaxda dowladda kala kulmay arrimo aanu jecleysan,
Kulanka ayaa lagu soo koobay is wareysi iyo salaan ay madaxweynayaashii hore ee xllligan siyaasadda ku jira ay ugu tageen madaxweynihii kasii horeeyay ee Cali Mahdi oo ka gaabsaday inuu arrimo siyaasadeed si furan uga hadlo.


