Shirkii Golaha wasiirada ee toddobaadlaha ahaa ayuu maanta gdudoomiyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyadoo la shaaciyey in lagu ansixiyay hindise sharciyeed.
Warbaahinta dowladda ayaa faafisay in shirka maanta looga hadlay, laguna ansixiyay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed. Golaha wasiirada ayaa cod meel mariyay sharciga oo ay usoo gudbisay wasaaradda Warshadaha iyo Ganacsiga Soomaaliyeed.
Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo laga soo aruuriyay sharciyadii iyo xeerarkii dalka ee tayo-dhowrka dalka, horumarinna lagu sameeyay ayaa la gaarsiiyay habka caalamiga ah ee tayo-dhawrka.
Ujeedada sharciga ayaa ah in horumarin lagu sameeyo siyaasadda Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka qaranka, in la dhowro xeer nidaaminta tayada lagu maamulo tayada badeecada iyo adeegyada, in uu ilaaliyo bad-qabka bulshada iyo in lagu dhiso hay’adda tayo-dhowrka Soomaaliyeed.