Monday, June 23, 2025

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Barlamanka ee maanta..? [Wasaaradda Maaliyadda oo…]

Kulnaka Golaha shacabka ee maanta ayaa lagu wadaa in lagu dhageyso akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2018.Miisaaniyadda dowladda 2018 ayaa Baarlamaanka la horgeeyay waqti fiican oo ay xildhibaannada dood dheer ka geli karaan, halka markii hore miisaaniyadda la geyn jiray golaha aakhirka Bisha Disembar, taasoo sababi jirtay dib u dhac iyo in dowladdu misaaniyad la’aan aan wax kharash ah la bixin karin, marka dooda miisaaniyadda ay gaarto Bisha Janaayo.

Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee Sanadka 2018ka ayaa gaareysa $274,640,19 Doollar, waxaana 14kii November meel mariyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya. iyadoo kadibna loo gudbiyay guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo u soo bandhigay Baarlamaanka.

Dhinaca kale xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ayaa la sheegay inay wadaan dood ku saabsan kiiskii Qalbi dhagax, iyadoo doonaya in Baarlamaanku uu tallaabo u qaado sidii loo soo celin lahaa sarkaalka ONLF ee Itoobiya loo gacan geliyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON