Sunday, July 13, 2025

Maxaa Sababay in la xiro Xafiiskii Fiiso-bixinta Turkiga ee Soomaaliya..? (Mas’uul ay lugaha la gashay)

Mid ka mida adeegayadii ugu muhiimsanaa ee dadka Soomaaliyeed ka heli jireen Safaaradda Turkiga ee Muqdisho joogsaday, kadib markii ay saameyn ku yeelatay xaaladda kala guurka ah xukuumad la’aanta iyo fadeexad ka dhacday xafiiska maamula Fiisooyinka Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa la xiray xafiiskii Fiisooyinka Turkiga bixin jiray ee Muqdisho (M.Z Visa), taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro, kadib markii uu xafiiska banneeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, xilkiina uu la wareegeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Baaritaan aanu sameynay ayey Goobjooge.net ku ogaatay sababaha keenay in la hakiyo bixinta Fiisaha Turkiga ee safaaaradda Turkiga Muqdisho ay ahaayeen arrimo iskaashaday oo ay ugu weyn tahay faragelin ka timid Xafiiska Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha, waxayna kala yihiin:

  1. Xafiiska ku-simaha Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo faraha la galay bixinta Fiisaha (Dal-ku-galka Turkiga) ee uu xafiiskaasi bixin jiray, iyadoo ay shaqo ka dhigteen dhallinyaro adeegsaneysa awoodda xafiiska iyo tan Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha.
  2. Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha oo isna ka ganacsiga Fiisaha qeybta ugu muhiimsan ku yeeshay, kaasoo doonaya inuu awoodda ugu weyn ku leh xafiiska.
  3. Fiisihii Turkiga oo suuqa ka gaaray qiimo aad u qaaliya, wuxuuna kordhay (85%), taasoo ay ugu wacneyd iyadoo ay dhallinyaro ka tirsan xafiiska ku-simaha Ra’iisal wasaaraha ka dhigteen meel ay ka sameeyaan dhaqaale sharci darro ah oo culays ku noqday shacabkii u baahida u qabay fiisaha Turkiga.

Waxaa xaaladda uga sii daray markii shaqaale ka mid ahaa xafiiska fiiso bixinta shaqada looga saaray eedeyn musuqmaasuq ay abaabuleen xubno ka tirsanaa xafiiska Fiiso-bixinta Turkiga ee magaalada Hargeysa, taasoo fadeexad ka dhalatay markii la ogaaday sida qorshahaasi loo maleegay.

Saameynta arrintan keentay ayaa degdeg u soo baxday markii uu gebi ahaan xirmay Xafiiskii Fiiso bixinta ee safaaradda Turkiga ee Muqdisho (M.Z Visa), iyadoo Turkigu ahaa dalka ugu fudud ee u furan Soomaalida dibadda u aada caafimaadka, waxbrashada, ganacsiga iyo dalxiiskaba.

Waxaa laga cabsi qabaa in go’aanka lagu xiray Fiiso-bixinta Turkiga uu gaaro ilaa sanadka cusub 2021 ama safaaradda Turkiga ee Muqdisho diido inay dib u furto adeegga fiiso-bixinta inta laga dhisayo xukuumad rasmi ah, wuxuuna adeegan muhiimka u ahaa dadweynaha Soomaaliyeed uu eersaday faragelin iyo ku takri-fal mas’uuliyadeed oo ka timid xafiiska sii-haya xilka Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON