Thursday, May 2, 2024

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo ka hor la kulmay wakiilada Beesha Caalamka (Sawirro)

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa Wakiilada Beesha Caalamka kula kulmay Garoonka diyaaadaha Muqdisho, kadib markii ay maanta gaareen Caasimadda Soomaaliya.

Labada madaxweyne oo ka biyo diiday Heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb ayaa la kulmay wakiilada ay ka mid yihiin Safiirada dalalka Maraykanka, UK. Sweden, Talyaaniga iyo wakiilka Midowga Yurub, iyadoo kulanka looga hadlay sidii Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho la isla ogol yahay oo xiligeeda ku dhacda.

Xarumaha madxootayada Puntland iyo Jubbaland ayaa faafiyey warar isku mid oo ku saabsan kulanka ay la yeesheen Beesha Caalamka, waxaana qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland lagu yiri: ” Madaxweynaha Dowladdaha Puntland iyo Jubaland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya sida Safiirada Mareykanka, UK, Sweden, Midowga Europe iyo Talyaaniga. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay wakhtigeeda ku dhacda

Ad

Kulamadan ayaa imaanaya iyadoo labada madaxweyne ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe aysan la kulmin Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo caddeyn u ah in Beesha Caalamka ay gacanka kula jirto, kana danbeysay shirka la isugu keenayo labada dhinac ee qaadacay Heshiiskii Doorashada Dhuusamareeb III iyo Madaxweyne Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON