Taliyihii ciidamada Madaxtooyada Somaliya Col. Axmed Maxamed Cali (Af-caddeey) ayaa la sheegaya in shaqadii laga joojiyay, kadib markii uu lugaha la galay kiiska ciidamada qabsaday Arbacadii Xarunta Baarlamaanka Somalia.
Taliyaha oo sidoo kale ahaa taliyaha Ururka 60-aad ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa wararku sheegayaan xilkiisa si KMG ah loogu dhiibay Col. Cumar C/raxman, waxaana xogta aanu helnay ay sheegeysaa in Taliye Af-caddey uu sarkaal saaxiib la ahaa u fududeeyay inuu ciidamo dheeraad ah oo ururkiisa ka tirsan uu ka qaado, kuna xoojiyo ilaalada Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad.
Col. Afcadeey ayaa loo heystaa inuu hubin waayey ciidamada uu mas’uulka ka yahay iyo falalka ay ku kaceen, iyagoo amar ka diiday taliyaha ciidamada xoogga dalka, isla markaana hub la koray dhismaha Baarlamaanka.
Taliska ciidamada xoogga dalka oo xiray askartii ururka 60-aad ka tirsaneyd ee loo adeegsaday falkii Arbacadii ka dhacay Baarlamaanka ayaa weli wada baaritaan ku saabsan cidda abaabushay ciidamadan.