Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in 13 ka tirsanaa maxaabiistii dagaalamayaasha Al-Shabaab ee lagu qabtey dagaalladii Alshabaab ku qaadeen Puntland ay ka baxsadeen guri ku yaala magaalada Garoowe oo lagu hayey in muddo ah.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in a ahaayeen caruur xilliga la qabanaayey ay dagaalka kula jireen ciidamada maamulka Puntland, waxaana gurigaasi looga dhigay dhigay Xarun dhaqan-calin, iyadoo uu mashruuc ku qaatay ganacsade la sheegay inay isku dhow yihiin madaxweynaha Puntland.
Guriga lagu hayey dhalinyarada baxsatey ayaa lagu magacaabaa Safe House waxaana mashruuc ku qaatey, shirkad si gaar ah loo lee yahay oo uu maamulo nin lagu magacaabo C/fitaax Sugulle, shaqsigaas oo ah ganacsade xiriir dhow la leh Madaxwayne Gaas ayaa horey u ahaa Wakiil uu Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas u igmaday mas’uuliyada iyo maamulka Warshad Lacagta Shilin-ka Soo saarta oo ku taalla magaalada Boossaaso.
Wararku waxay intaas ku darayaan in mid kamid ah dhalinyaradaas dib loo qabtey, halka 12 kii kale aan gacan lagu dhigin lamana oga in ay ku jiraan gudaha magaalada Garoowe iyo in ay ka baxsadeen.
Shabaab-ka ka baxsadey guriga amnigooda lagu sugayey ee Safe House ayaa weji gabax ku ah maamulka Puntland waxaana la is weydiinayaa khatarta ay keeni karto arrintan iyadoo si weyn arrintan looga hadal hayo degaanada Puntland.