Friday, June 27, 2025

Maxaabiis ka tirsan Daacish oo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ku dhaawacay ninkii Ajnabiga ahaa ee Anthony Thomas…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xabsiga weyn ee Muqdisho lagu dhaawacay Anthony Thomas Cox oo ahaa ninkii ajnabiga ahaa ee lagu soo qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kadib markii lagu qabtay inuu watay qalabka Qiiqa dadka ka ilmeysiiya loo adeegsado.

Maxbuuska oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in xabsiga lagu sii hayo ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen laba maxbuus oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaasoo ku xirnaa Xabsiga Dhexe, iyadoo watay Sakiin.

Eedeysane Anthony Thomas ayaa sida laga soo xigtay saraakiisha Xabsiga Dhexe waxaa dhaawacyo kasoo gaareen qoorta, iyadoo dhaawacyada lagu sheegay kuwo fudud, waxaana halkaasi ku dabiibay dhaqaatiir loo geeyay.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON