Waxaa guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka mida ruugcadaaga siyaasadeed ee dalka, kana soo jeeda Somaliland.
Cabi Xaashi C/llaahi wuxuu ka mid yahay dadka sida weyn ugu ololeeya midnimada Soomaaliya, wuxuuna ku sugnaa Muqdisho xilliyadii dowladihii isaga dambeeyay dalka oo xilal kala duwan uu ka soo qabtay.
HOOS KA AKHRISO TAARIIKH NOLOLEEDKA GUDDOOMIYAHA

Hadaba, Halkan Hoose Ka Akhriso Taariikhda Guddoonka Aqalka Sare:
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi
Waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii, waana 71 san jir.
Waxbarashada:
1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar
1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho
1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho
1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho
Shaqada:
1972-1974: Macalin Ceel Jaalle
1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho.
1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS
1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa.
1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka
1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaallada ama National Theater
1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed.
1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta.
1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action.
1997-2004: Agaasimaha Tubta Nabadda.
2004-2009: Xidhibaan Xubin Baarlamaan.
2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka.
2008-2009: Wasiirka Caafimaadka
2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabka.
2017. Waxaa loo doortay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya.