Tuesday, June 24, 2025

Maxaad ka taqaan Guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya..?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta xilka Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay yarqaan kasoo jeeda Somaliland oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.

Guddoomiyaha cusub Garyaqaanka cusub Baashe Yuusuf Axmed wuxuu Shahaadada koowaad ee Jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, isagoo shahaadda labaad  ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla dalka Ingiriiska isagoo ka qalin jebiyey Shuruucda Ganacsiga iyo Badaha.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacadeed, Qareen iyo cilmi baare sharci, wuxuuna muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray howlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay maamulka Somaliland ee gooni isu taagga ku maqan.

Wuxuu  hore u soo noqday  agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Somaliland, xilkaasoo uu iska casilay kadibna uu waxbasho master ah u aaday dalka Ingiriiska, waxaana Hargeysa lagu soo dhoweeyay horaantii 2014 markii uu dhameystay waxbarashadaasi.

Baashe Yuusuf Axmed wuxuu sidoo  muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland, isagoo dhinaca ka mid ahaa 35-ka xubnood ee Guddida Fullinta ee Xisbiga Kulmiye, wuxuuna kadib ku biiray xisbiga Wadani.

Murashaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Baashe Yuusuf Axmed u magacaabay inuu noqdo Chief of staff-ka murashaxa madaxweyne ee xisbigaas aakhirkii 2016.

Ugu danbeyn dowladda Farmaajo aqoonyahankan dhalinyaradda ah u magacawday xilka ugu sareeya Garsoorka Soomaaliya, arrintan ayaa ka mida isbedel dhinac waliba leh oo dowladda Soomaaliya ayey xilal ugu magacaabeyso wejiyo cusub.

Image may contain: 1 person, smiling

011

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON