Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 25-ka Novembar 2019 u magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka inuu noqdo Suleymaan Maxamed Maxamuud, waxaana uu sanad ka hor ku soo biiray Garsoorka Soomaaliya, isagoo markaasi noqday Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka.
Akhriso Taariikh nololeedka Xeer ilaaliyaha
Suleymaan Maxamed Maxamuud, wuxuuku dhashay degmada Burtinle ee gobolka Nugal Sanadkii 1982. Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare waxaa uu ku qaatay isla Burtinle waxa uuna Dugsiga Sare dhameeyay 2003.
Heerka koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay Dalka Pakistan. isagoo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka sanadkii 2009. Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay asaga oo qaatay shahaadada LLM, sanadkii 2012.
Jaamacada AL Hamd University oo ku taal Dalka Pakistan gaar ahaan magaaladada Islamabad ayuu ka qaatay Shahaadda B.EDUCATION Sanadii 2013.
-Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd Dec 2018.
Waxa uu ka soo shaqeeyey hay’ado dhowr ah iyadoo aan ka xusi karno, si kooban
– Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Bakistan.
– Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Bakistan 2013.
– Lataliye Sharci ayuu kula shaqeeyay maamulka Puntland.
Waxaa uu soo noqday Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna Bare ka tirsanaa, Jaamacadda Puntland State University oo Garoowe ku taalla.
waxaa uu soo noqday Lataliye dhanka Sharciga ah,Guddiga madaxa bannaan ee dibu eegista Dastuurka 2018