Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa farriin uu soo diray ku sheegay inuusa u hambalyeyneynin, balse u duceyaynayo madaxweynaha iyo madaxweye ku xigeenka maanta lagu doortay magaalada Jowhar.
“Ma u hambalyeeynaayo Madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyo K/xigeenkiisa Yusuf Axmed Hagar (Dabageed). Waan u duceynayaa in Ilaaheey masuuliyadda u fududeeyo. Shacabka HirShabellana waxaan Ilaaheey uga baryayaa inuu taladooda mideeyo, barwaaqana u horseedo..” ayuu farriintiisa gaaban ku yiri Maxamed Cabdi Waare.
Waare ayaa hore u sheegay in waxa ka socda Hirshabelle ay tahay qorshe lagu doonayo in lagu qorto xildhibaannada labada Aqal lagu dooranayo Hirshabeelle, taasoo horeba u dhacday sanadkii 2016.
