Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu is saxiixay muddo kordhin laba sano ah oo uu xafiiska kusii joogayo.
Farmaajo ayaa caawa saxiixay sharciga jiheynta Doorashada ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka xilkiis dhammaaday anixisiyey 12-kii bishan April 2021, kaasoo sheegaya inuu dalku aadayo Doorasho qof iyo Cod ah oo lagu qabanayo muddo 2 sano ah, ayna sii joogayaan Hay’adaha Dowladda.
Mudo kororsiga Farmaajo waxaa ka hor yimid Madasha Badbaado Qaran, Ururrada Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka oo ka digay halis ka imaan karta.
Caadiyan, Go’aanada kasoo baxa Baarlamaanka Federaalka ayaa u baahan inay soo ansixiyaan labada Aqal ee Baarlamaanka si ay sharci u noqdaan, kadibna waxaa saxiixa madaxweyne sharciyad heysta, laakiin waxaa muuqata in Farmaajo iyo guddoonka Aqalka hoose oo heshiis gaara ka dhaxeeyo ay meesha ka saareen Aqalkii Sare, lana wareegeen sharciyadii.
