Ciidamo, hub iyo gaadiid dagaal ayaa mar kale maanta ka degay garoonka Doolow ee Gobolka Gedo, kuwaas oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan oo Madaxeynaha xilliga ka dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu amray in halkaasi loo daabulo ayaaku lebisan dareyska ciidamada dowladda, waxaana intooda badan u xiran afka, iyadoo aan la sheegin nooca, balse warar hore usoo baxay ay sheegeen inay ka mid yihiin ciidamada gorgor ee Turkigu tababarray.
Taliyaha Howlgalinta ciidamada dowladda ee Jubooyinka Bakaal Kooke iyo Saraakiil sare ayaa ciidamada cusub kusoo dhoweeyay Garoonka Doolow. Bakaal ayaa sheegay in ciidamadan ka tirsan yihiin xoogga dalka.
Tan iyo shalay waxaa magaalada Muqdisho laga daabulay, ciidamo, hub iyo gaadiid dagaal oo la geeyay Gobolka Gedo, waxayna arrintan kusoo beegantay iyadoo ay abaar ba’an iyo macaluul ka jirto gobolkaasi.
Dowladda Federaalka ayaan wax war ah kasoo saarin ciidmadan iyo ujeedkooda, laakiin waxaa digniiin kasoo saaray Madaxweynaha Jubbaland oo ka digay inay dagaal dhalin doonaan, mas’uuliyaduna ay gaar u tahay Farmaajo.





