Ra’iisal wasaaraha Ciraaq ee xilka sii haya Caadil Cabdi-mahdi ayaa qarxiyey arrin aan la fileyn oo ku saabsan farriin uu siday jeneraalkii reer Iiraan Mareykanku ku dileen Garoonka Diyaaradaha magaalada Baqdaad.
Wuxuu u sheegay Baarlamaanka Ciraaq in Taliyihii ciidamada Qudus ee ilaalada Kacaanka Iiraan Gen. Qasim Suleymani uu la balansanaa subaxnimadii Jimcada ee Duqeynt lagu dilay, isagoo u siday farriin qoraal ah oo ka timid dowladda Iiraan, taasoo ku socotay dowladda Boqortooyada Sacuudiga, taasoo jawaab u ahayd farriin hore ee Sacuudiga u diray Iiraan, ioyadoo dowladda Ciraaq ay farrimaha u kala gudbineysay labada dal.
Farriimaha ay dowladda Ciraaq u kala gudbineysay dalalka Iiraan iyo Sacuudiga ayaa ku saabsnaa sidii xiisadda labada dal loo qaboojin lahaa, isla markaana xal loogu heli lahaa dhibaatada Bariga Dhexe, laakiin fariintaasi ayaa gubatay iyadoo la dhimatay Jeneraalkii siday.
Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay Gen. Qasim Suleymani iyo madaxa Maleeshiyada Kacdoonka Shacabka Ciraaq Abuu Mahdi Almuhandis, kadib laba gaari oo lagu duqeeyay Garoonka magaalada Baqdaad.