Sunday, June 22, 2025

XOG: Maxay Ciidamada dowladda uga baxeen degaanadii ay Alshabaab ka qabsadeen?

Ciidamada dowladda ayaa dib uga baxay degaano ay hore Alshabaab uga qabsadeen wejigii koowaad ee dagaalka, kuwaas oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha ciidamada ayaa laga soo xigtay in ciidamada dawladdu ay Isniintii shalay dib uga soo gurteen magaalooyinka iyo degaanada Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad.

Arintan ayaa ka dhalatay dagaalkii Cowsweyne ee dhacaday Sabtidii 26-ka bishan Ogost, kaasoo qasaare weyn kasoo gaaray ciidamada dowladda, waxaan ka dhashay su’aalo badan oo ku sabsaan khaladaad hoggaamineed oo ciidamada dowladda ka dhex jira.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegaysa in ciidamada ay ka gadoodsan yihin, qorshe xumo, isku xir la’aan, Saad iyo gurmad la’aan, waxaana soo dhaac baxay is barbaryaac taliska ciidmada iyo Wasaaradda Gaashanadhigga.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weli ku sugan Dhuusamreeb ayaa wada dadaal uu xal ugu raadinayo xaaladda taagan, isagoo la filayo inuu go’aanno culus qaadato, isla markaana isbedel lagu sameeyo qorshah ciidanka.

Inkastoo qeybo ka mida Gobolka Galgaduud ay ciidamada dowladda dib uga gurteen, waxaa xusid mudan inay weli ku sugan magaalada Ceelbuur oo ay qabsadeen Jimcihii.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON