Sunday, July 13, 2025

Maxay ka wada hadleen Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Madaxweyne Farmaajo..?

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Mr. Tillerson uu u sheegay madaxweynaha Soomaaliya in Maraykanku diyaar la yahay inuu Soomaaliya kala shaqeeyo cirib-tirka argagaxisada.

Waxaa kale oo war saxaafadeedka lagu sheegay in Rex Tillerson uu sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay hiigsanayso.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu yiri in “Ahmiyadda ugu weyn ee ay dawladdu leedahay ay tahay sugidda nabadgalyada iyo xaqiijinta in hay’adaha ammaanka ay yihiin kuwo tayo iyo tababar fiican leh.

Farmaajo ayaa intaas ku daray inay dawladdu dardar gelinayso dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada, sida lagu sheegay war saxaafadeedka. Wadahadleen khadka teleofoonka ayaa dhacay maanta iyadoo Tillerson ku sugan yahay dalka Qatar oo uu waanwaan ka dhex wado dalalka Khaliijka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON