Friday, June 27, 2025

Maxay ka wadahadleen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga Erdoğan..?

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre aya magaalada Geneva kula kulmay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo ay ka wada qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga ee Geneva, Switzerland.

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegya in kulanka looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood, arrimaha horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dhinaca kale Madaxtooyada Turkiga ayaa shaacisay kulanka, iyadoo aan wax faahfaahin ah ka bixin.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON