Safiirka dalka Kenya u fadhiga Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa maanta tegay xarunta wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, isgoo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad.
Kulanka ayaa war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya lagu sheegay in looga wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Kenya iyo Somalia, iyo sidii labada dal xiriir joogto ah u yeelan lahaayeen si loo adkeeyo xiriirada Somalia iyo Kenya ee dhammaan dhinacyada kala duwan, iyadoo sidii hore lagu soo celinayo.
Faafhaahin dheeraad ah laga bixin kulanka Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo Jeneraal hore oo ciidamada ka howlgabay iyo Wasiir Axmed Ciise Cawad xilli xiriirka labada dal uu marayo heerkii ugu horeeyay in muddo ah.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii danbe waxaa u dhaxeeyay xiisad diblomaasiyadeed oo ka dhalatay dacwadda Xuduudka badda ee labada dal oo taalla Maxkamadda Cadaaladda ee ICJ, waxayna Kenya ku dhaqaaqday cadaadis diblomaasiyadeed oo ay saartay dowladda Soomaaliya.