Tuesday, March 2, 2021

Maxay ka wadahadleen Wakiilka Q/Midoobay Madaxweynaha Galmudug..? (War kasoo baxay UNSOM)

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdiga Qaramada Midoobay waxaa ka mid ahaa madaxda hay’adaha WFP iyo UNDP ee Soomaaliya, waxayna xarunta Madaxtooyada Galmudug kulan kula yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) Madaxweyne ku xigeenka iyo madaxda maamulkaasi.

Ad

War Xafiiska Q/Midoobay ayaa lagu yiri: “Saraakiil sar-sare oo ka tirsan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku sugan maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.Wafdigan oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka socda Hay’adaha UNDP iyo WFP ee Qaramada Midoobay ayaa kulan la leh Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoo kala hadlaya taageerada Qaramada Midoobay ay siineyso Galmudug sanadkan 2021, taas oo isugu jirta mid Siyaasadeed iyo mid horumarineed..”

“Waxaan ka wadahadalnay ahmiyadda ay leedahay in la xalliyo arrimaha hadda taagan si loo helo doorasho sax ah oo Soomaaliya oo dhan ka qabsoonta, markale waxaan ku celinayaa fikirka beesha caalamka oo ah in helo isfaham iyo wada shaqeyn, waxaan madaxda Soomaalida oo dhan ugu baaqayaa inay dedaalkooda geliyaan inay wadahadlaan, si ay u dhacdo doorashada la isku afgartay taas oo salka ku heysaa heshiiskii horay loo gaaray”, ayuu yiri Swan.

Wararka ayaa sheegaya in arrinta ugu muhiimsam ee wafdiga Q/Midoobay kala hadlayaan madaxweynaha Galmudug ay tahay arrinta Doorashooyinka iyo sidii xal loogu heli lala is mariwaagga ka taagan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

155,304FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow
155,304FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!