Tuesday, July 1, 2025

Maxaa kasoo baxay Doodii Xaaladda Amniga ee Barlamaanka Federaalka? [Akhriso]

Dood socotay muddo laba maalmood ah ayuu yeeshay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay kasii dartay xaaladda amni darrada ee caasimadda, waxaana Golaha hor yimid Wasiirada iyo Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida.

Maalintii koowaad ee Sabtida ayey xildhibaanadu keligood ka doodeen xaaladda Amniga, waxaana lagu soo gabageeyay su’aalo weydiin ay xildhibaannada Baarlamaanka la yeesheen madaxda Amniga, waxayna labada kulan qaateen waqti dheer oo la iska gaaray maqribnimadii.

Su’aalo intooda badan lagu halgaaday Agaasimaha NISA oo xilka ku-sime ahaan u haya muddo 7 bilood ah Fahad Yaasiin Xaaji ayaa caawa Maqribnimadii soo dhammaatay, waxaana loo saaray Guddiga Amniga ee Baarlamaanka inay soo diyaariyeen nuxurka doodii amniga, ayna ku soo celiyaan Golaha 22-ka bishan.

Guddiga Amniga ee Baarlamaanka oo ay hore guddoomiye ugu ahayd Fawsiya Maxamed Sheekh oo hadda u xuub siibatay Wasiir ka tirsan xukuumadda ayaa muddo toddobaad ah heysta si uu golaha u hor keeno qaraar iyo talooyin laga qaato arrimaha Amniga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON