Guddi uu hoggaaminayo gudddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka koobnaa 7 xubnood loona xil saaray xalinta khilaafka ka dhashay mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baaralamaanka Soomaaliya ayaa maanta warbixin siinaya Aqalka Sare.
Guddigan ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) waxayna kala hadleen si xiisadda ka dhalatay arrinta mooshinka loo soo afjari lahaa, xalna loogu heli lahaa khilaafka ka dhex taagan xildhibannada Golaha Shacabka.
Wararka ayaa sheegayaa in Guddigan aysan ku guuleysan in meel dhexe la isugu yimaado lana joojiyo wixii mooshin ah, iyadoo madaxweyne Farmaajo u sheegay in arrinta ay taagan tahay in sharci ahaan lagu kala baxo sida uu dalbaday Guddoomiye Jawaari, kuna dadaalayaan inaysan wax qas ah ka dhalan.
Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa maanta warbixin ka dhageysanyo Guddiggan oo 19-ki bishaan la magacaabay, iyadoo mooshinka Jawaari u muuqdo mid faraha ka baxay oo aanay jirin si waanwaan looga galo.