Guddiga heerka wasiir ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka dhacay magaalada Mandheera ee Waqooyio Bari Kenya, iyadoo ay labada dhinac kala hoggaaminayeen wasiirada arrimaha dibadda labada dal.
Kulanka oo ahaa kii labaad ee Guddiyada labada dal yeeshaan ayaa lagu kal saxiixday qodobadda shirka, kadibna waxay labada dhinac isku afgarteen iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ganacsiga.
Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma ayaa lagu waday inay ka wadahadleen arrimo xasaasi ah oo ka dhaxeeya labada dal, sida weerarro ay ciidamada Kenya ka geysteen gudaha Soomaaliya oo ay ku burburiyeen xarumo isgaarsiineed dadna ku dilaan, taasoo aan la sheegin inay ku jirtay arrimihii laga wadahadlay.